January 21, 2026
Waxaa si rasmi ah oo guul leh u qabsoomay Kulankii 1aad ee kalfadhiga Gudiyada Naadiga Qalinjebiyayaasha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO Alumni), kaas oo ahaa kulan muhiim ah oo xambaarsanaa ujeeddooyin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo doorka iyo jihada naadiga mustaqbalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta gudiyada kala duwan, isbarashada xubnaha cusub ee ka mid noqday hoggaanka naadiga, iyo fahamka guud ee ujeedada, himilada, iyo doorka Naadiga Qalinjebiyayaasha UNISO Alumni ee ku aaddan isku xirka qalinjebiyayaasha iyo horumarinta bulshada.
Intii uu kulanku socday, xubnaha gudiyada ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qaabka kala qeybsiga masuuliyadaha gudiyada, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtan, wada-tashi joogto ah, iyo ka shaqeynta danaha guud ee qalinjebiyayaasha jaamacadda. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay qorshayaasha iyo howlaha mustaqbalka dhow, kuwaas oo lagu talagalay in ay kor u qaadaan ka qeybgalka qalinjebiyayaasha iyo saameynta naadiga ee dhinacyada waxbarashada, shaqo-abuurka, iyo horumarinta xirfadaha.
Gabagabadii kulanka, waxaa laga soo saaray warbixin rasmi ah iyo go’aamo wax ku ool ah, kuwaas oo hagaya jihada naadiga iyo qorshihiisa howleed ee soo socda, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo fulinta howlaha hortabinta u leh qalinjebiyayaasha UNISO.
Dhanka kale, Naadiga Qalinjebiyayaasha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO Alumni) wuxuu xusuusinayaa dhammaan qalinjebiyayaasha jaamacadda in ay si rasmi ah u socoto qaadashada membership-ka naadiga iyo bixinta xubinnimada, si ay uga mid noqdaan howlaha kala duwan, fursadaha horumarineed, tababarada, isku-xirka xirfadeed (networking), iyo barnaamijyada taageeraya horumarka shaqsiyeed iyo mid bulsho.
Naadiga UNISO Alumni wuxuu ku dhiirrigelinayaa dhammaan qalinjebiyayaasha in ay ka faa’iideystaan fursaddan, isla markaana ay si firfircoon uga qeyb qaataan dhismaha mustaqbal midaysan oo qalinjebiyayaasha Jaamacadda Soomaaliya ah.