Daahfurka Rasmiga Ah Ee Xafiiska Naadiga Qalinjebiyaasha UNISO

December 6, 2025

UNISO Oo Si Rasmiga Ah U Daahfurtay Xafiiska Naadiga Qalinjebiyaasha – Tallaabo Taariikhi Ah Oo Lagu Xoojinayo Xiriirka Jaamacadda Iyo Ardaydeeda Hore

Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Xafiiska Naadiga Qalinjebiyaasha, oo ah goob rasmi ah oo loogu talagalay isku xirka, horumarinta iyo taageeridda kumannaan arday ah oo ka qalinjebiyey jaamacadda tan iyo aasaaskii UNISO.

Munaasabadda furitaanka oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo jaamacadda ka tirsan, qalinjebiyeyaasha qaybaha kala duwan ee jaamacadda, iyo marti sharaf kale. Daahfurkani wuxuu astaan u yahay sida UNISO ugu heellan tahay dhisidda bulsho qalinjebiye oo firfircoon, mideysan, una diyaar ah inay door muuqda ka qaataan horumarinta bulshada iyo kobaca shaqo-abuurka dalka.

Intii lagu guda jiray furitaanka, waxaa si rasmi ah loo bilaabay bixinta kaararka aqoonsiga xubinnimada Naadiga Qalinjebiyaasha. Qaar ka mid ah qalinjebiyeyaasha hore ayaa helay kaararkooda, taasoo u sahli doonta inay ka faa’iidaystaan adeegyada, fursadaha xirfadeed, iyo barnaamijyada horumarineed ee naadigu bixiyo.

Waxaa aad loogu boorinayaa dhammaan qalinjebiyeyaasha aan weli is diiwaangelin in ay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan. Xubinnimada naadigu waa fure lagu heli karo:
Fursado shaqo iyo tababaro xirfadeed
Shabakad ballaaran oo xirfadlayaal ah (Networking)
Barnaamijyo horumarineed iyo aqoon kororsi
Ka qaybgalka munaasabadaha, shirarka iyo aqoon-isweydaarsiyada
Adeegyo gaar ah oo qalinjebiyeyaasha loogu talagalay

UNISO waxay ballanqaadaysaa inay sii wadi doonto horumarinta adeegyada loo fidiyo qalinjebiyeyaasha, iyadoo ujeeddadu tahay in la abuuro bulsho tayo leh oo heer caalami ah, kartideeda iyo aqoorteeduna ay ku dhisan yihiin mideynta khibradaha iyo adeegyada naadiga cusub.

Waxaan u rajeynaynaa guul, horumar iyo wada-shaqeyn miro dhal ah Xafiiska Naadiga Qalinjebiyaasha UNISO iyo dhammaan qalinjebiyeyaasha ka faa’iidaysanaya adeegyada naadiga.


WhatsApp Support