Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxay ku dhiirran tahay inay ku dhawaaqdo in la qaban doono munaasabadda rasmiga ah ee daahfurka Xafiiska Naadiga Qalinjebiyaasha maalinta Arbaco, 3-da December 2025. Xafiiskan cusub ayaa noqone doona xarun muhiim u ah isku xirka, horumarinta xirfadda, iyo dhisidda bulshada qalinjebiyeyaasha ee jaamacadda.
Munaasabadda la qorsheeyay ayaa noqon doonta mid si heer sare ah loo agaasimo, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan madaxda sare ee jaamacadda, macallimiin, qalinjebiyeyaasha qaybaha kala duwan, iyo marti sharaf kale oo muhiim ah. Waxaa lagu soo bandhigi doonaa qorsheyaasha, himilooyinka, iyo adeegyada naadiga cusub, oo ay ka mid yihiin barnaamijyo horumarineed, tababaro xirfadeed, iyo isku xirka qalinjebiyeyaasha.
Intii lagu guda jiro munaasabadda, waxaa si rasmi ah loo bilaabi doonaa bixinta kaararka aqoonsiga xubinnimada, waxaana loo diyaariyey nidaam fudud oo qalinjebiyeyaasha u sahli doona in ay helaan kaararkooda oo ku xiran adeegyo badan oo faa’iido leh.